Wasiirka Dhalinyarada XFS oo tababar ku saabsan hoggaaminta u furay in ka badan 200 oo dhalinyara.

0
44

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)Tababarkan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu daahfuray qorshe ballaaran oo lagu horumarinayo xirfadaha hoggaaminta ee dhalinyarada Soomaaliyeed. Ujeeddada tababarku waa in la xoojiyo doorka dhalinyarada ee hogaaminta iyo ka qeybgalka arrimaha bulshada iyo horumarka dalka.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga, oo furitaanka ka hadlay, ayaa carabka ku adkeeyay in dhalinyaradu ay yihiin laf-dhabarta horumarka, loona baahan yahay in la siiyo fursado ay ku horumariyaan xirfadahooda. Wasiirku waxa uu xusay in tababarkan uu qeyb ka yahay dadaallada dowladda ee lagu dhiirrigelinayo ka qeybgalka dhalinyarada ee hoggaaminta qaranka.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Ahmed Mohamed Jamac

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here