Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo sagootiyay arday ay Wasaaraddu u dirtay fursad waxbarasho dibadda ah

0
20

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiirka Kalluumeysiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay arday ay Wasaaraddu u dirtay fursad waxbarasho oo dibadda ah.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyey dadaalka iyo guusha ay ku muteysteen fursaddan, isaga oo ku dhiirri-geliyay in ay si wanaagsan uga faa’iideystaan aqoonta ay baran doonaan, isla markaana dalka kusoo celiyaan xirfadaha iyo khibradaha ay kasbadaan. Kulanka ayaa sidoo kale lagu xusay muhiimadda ay leedahay in dhalinyarada Soomaaliyeed loo abuuro fursado waxbarasho oo heer caalami ah.

Abdifatah Mohamed Ahmed ayaa warkan soo jeedinaya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here