Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Maamulka gobolka Banaadir ayaa munaasabad afur, bogaadin iyo satoogin isugu jirtay waxaa ay la yeesheen wasiirka cusub ee wasaaradda qorshaynta Galmudug Cabdiraxmaan Axmad Xayle oo dhowaan loo magacaabay wasiirka wasaaradda qorshaybta Galmudug.
Agaasimayaasha waaxaha kala duwan ee maamulka gobolka Banaadir ayaa munaasabaddan hadallo ka jeediyay waxaana ay bogaadiyeen wasiirka wasaaradda qorshaynta Galmudug oo hore uga tirsanaa shaqaalaha gobolka Banaadir.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdidahir Garad Ali