Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug, ayaa si rasmi ah uga furay magaalada Gaalkacyo tababar muhiim ah oo loogu talagalay in ka badan 40 qof oo iskugu jira suxufiyiin iyo arday wax ka barata jaamacadaha magaalada.
Tababarkan oo socon doona muddo dhowr maalmood ah ayaa diiradda lagu saarayaa sare u qaadista xirfadaha saxaafadeed, anshaxa warbaahinta, iyo doorka saxaafaddu ku leedahay nabad-dhiska iyo horumarka bulshada.
Wasiirka oo furitaanka tababarka ka hadlay ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la helo wariyeyaal xirfad leh oo ka shaqeeya gudbinta warar sax ah, isagoo sidoo kale ugu baaqay dhalinyarada in ay ka faa’iidaystaan fursaddan.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Luban Mohamed Abdi