Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Abshir Abdi Sheikhow Wasiirka wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug oo booqasho ku jooga Degmada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa uu kulan la qaatay Koox faneedka Hidda iyo Dhaqanka Onkod oo ka dhisan Gaalkacyo.
Kulankan waxaa looga hadlay wada shaqayn dhex marta wasaaradda iyo kooxaha Dhaqanka iyadoo wasiirku uu talooyin iyo aragtiyo la wadaagay kooxda.
Warkan waxaa soo jeedinaya:- Abdidahir Garad Ali