Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug Dr.Yaasiin Cabdi Jaamac oo ay wehliyaan Wasiiro, Xildhobaano katirsan Galmudug iyo ,isku duwaha Caafimaadka Dagmada Dhusamareb iyo masuuliyiin kale ayaa kormeeray Shaqada isbitaalka Guud ee Dagmada Gadoon sidoo kale Wasiirka ayaa indha indhayn ku sameeyey xarunta cusub ee Caafimaadka deegaanka degmada
Wafdiga ayaa kormeeray dhamaan qeybaha kala duwan ee isbitaalka sida, qeybta talaal bixinta, qeybta bukaan socodka, farmashiyaha iyo qeybta bukaan jiifka iyagoo qiimeyn ku sameeyay adeegyada uu isbitaalku bixiyo, bukaanada ku jira iyo xirfadlayaasha caafimaad ee ka howl gala.degmada Gadon ee gobolka Galgaduud.
Warkan waxaa soo jeedinaysa: Sacdiyo Abdulkadir Yusuf