Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS oo Muqdisho ka furay shirka qiimeynta iyo dib u eegista caafimaadka dalka

0
24

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr ali Haji Aadan, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirka sanadlaha ah ee qiimeynta iyo dib u eegista caafimaadka dalka.
Shirkan oo lagu falanqeynayo xaaladda caafimaadka ee dalka, horumarka la sameeyey, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha mustaqbalka, ayaa waxaa ka qeyb galaya mas’uuliyiin ka socda wasaaradda caafimaadka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, hay’adaha caafimaadka, khubarada caafimaadka, iyo daneeyayaasha kale ee sector-ka caafimaadka

Warkaan waxaa soo jeedinaya:Abdullahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here