Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kulan la qaadatay Haweenka Soomaaliyeed.

0
10

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Muqdisho kulan isbarasho iyo soo dhaweyn ah kula qaadatay haweenka Soomaaliyeed, kaasoo ahaa kii ugu horreeyay tan iyo markii ay xilka la wareegtay 5-tii bishan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray isbarasho iyo wada-shaqeyn, iyadoo haweenkii ka qeyb galay si weyn u soo dhaweeyeen magacaabidda Wasiirka, una ballan qaaday taageero joogto ah. Wasiirka ayaa uga mahadcelisay soo dhaweynta diirran, iyadoo xasuusisay muhiimadda haweenka bulshada iyo kaalintooda horumarineed. Waxay sidoo kale ku dhiirrigelisay haweenka inay si firfircoon uga qayb qaataan doorashooyinka qof iyo cod ee soo socda iyo tartanka xilalka si ay u muujiyaan awooddooda hoggaamineed.

Warkan waxaa soo jeedinaya:Abdifitah Mohamed Ahmed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here