Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Farax Shiq Abdulkaadir ayaa si rasmi ah u soo xiray imtixaanka qaranka ee fasalka 12-aad oo si nidaamsan uga dhacay guud ahaan dalka. Imtixaankan ayaa ah mid muhiim u ah ardayda Soomaaliyeed maadaama uu yahay mid go’aamiya heerka ay uga gudbayaan tacliinta sare.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Farax Shiq Abdulkaadir ayaa u mahadceliya cid kasta oo ka qebqaadatay furlinta Imtixaanka qaranka ee fasalka 12 aad.
Warkan waxaa soo jeedinaysa: Abdidahir Garad Ali