Wasiirka wasaaraddaTamarta iyo kheyraadka biyaha Galmudug oo daah-furtay Maruuc shan ceel biyood lagu qodayo

0
52

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Wasiirka wasaaraddaTamarta iyo kheyraadka biyaha Galmudug Mudane Abdulkadir Shire Warsame Galbeeti oo uu wehliyo wasiir u dowlada wasarada ayaa deegaanka Laasxaadow ee dukeydka Dhuusamareeb dhagax dhigay mashruuc lagu qodayo shan ceel biyood oo laga hirgalinayo deegaano hoostaga degmooyinka Dhuusamareeb, Cadaado,Gaalkacyo iyo Hobyo
Waxaana ceelashaan loogu talagalay in ay ka faaiidaysataan in ka badan 11 kun qoys,

Ceelasha la dhagax dhigay ayaa waxaa iska kaashanaya wasaaraddaTamarta iyo hay’ada UNICEF iyadoo ay fulinayso hay’adda CDP.

Warkan waxaa soo jeedinaysa: Hamdi Dirie Ali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here