Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-waxaa xarunta dhexe ee Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb lagu qabtay shir muhiim ah oo ay isugu yimaadeen dhammaan shaqaalaha wasaaradda ee ka qayb qaadanaya kormeerka imtixaanka fasalka 8aad ee dugsiyada hoose/dhexe.
Shirka waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Galmudug, Mudane Mohamed Hashi Dore, waxaana diiradda lagu saaray diyaar garowga iyo safarka shaqaalaha imtixaanka.
Wasiirku wuxuu si adag ugu dardaarmay in la ilaaliyo hufnaanta iyo daahfurnaanta imtixaanka, isagoo si gaar ah uga digay qishka iyo abaabulkiisa ee laga yaabo inay sameeyaan ardayda ama dadka deegaanka.
Wasiirka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in shaqaalaha wasaaraddu ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan ilaalinta sirta iyo xogta imtixaanka, si loo sugo kalsoonida iyo cadaaladda nidaamka.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi