Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Kormeer Shaqo Ku tagay degaanka Ceel-Barafaange.

0
3

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Maxamad Xaashi Dhoorre, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Caasimadda Galmudug, Cabdiraxmaan Cali Maxamed, ayaa booqasho shaqo ku tagay Dugsiga Hoose ee deegaanka Ceel-Barafaane, oo ka mid ah deegaannada hoos yimaada caasimadda Galmudug, Dhuusamareeb.

Booqashadan ayaa qeyb ka ahayd dadaallada lagu dardargelinayo horumarinta adeegyada waxbarasho ee deegaannada miyiga.

Warkan waxaa soo jeedineya:Liban Mohamed Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here