Wasiirka waxbarashada Galmudug oo kulan la qaatay Culimada degmada Bandiiradleey gobolka Mudug

0
72

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer):-Maxamed Xaashi Dhoorre, wasiirka wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee Galmudug oo safar ku maray inta badan degmooyinka Gobolka mudug, waxaa uu la kulmay bulshada deegaannada uu ku safray, isagoo wasiirku soo dhagaystay baahiyaha ay qabaan iyo horumarka adeegyada waxbarasho ee deegaannada.

Degmada cusub ee Bandiiradleey oo kamid ah goobaha bulshadu fahamka wanaagsan ka heshay muhiimadda waxbarashada waxaa uu wasiir dhoorre kulan kula qaatay culimaa’uddiinka magaalada oo iyagu safka hore kaga jira baahinta waxbarashada.

Culimada Bandiiradleey oo goob fagaaro ah ka hadlay waxay xuseen in dhowrkii sano ee lasoo dhaafay ay ku baraarugeen macnaha iskuullada iyo sida diinta islaamku u door u siisay barashada xirfadaha iyo culuumta kale.

Warbixintan waxaa faah faahinaya: Abdidahir Garad Ali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here