Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Ee Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Dhoore oo wehliyaan Gudoomiye ku xigeenka caasimadda, agaasimeyaal katirsan Wasaaradda Waxbarashada, iyo Taliyaha Booliska Caasimadda ayaa Dhuusamareb ka daahfuray Imtixaanaadka Fasalka 8-aad ee Dugsiga Dhexe ee 2024-2025.
Wasiirka ayaa dardaaran iyo talooyin muhiim ah lawadaagay ardayda, kuna booriyey in si dagan oo kalsooni ku jirto u wajahaan Imtixaanka.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdidahir Garad Ali