Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madax iyo masuuliyiin kasocotay hay’adda Qadar Charity ayaa waxaa ay ka qayb-galeen munaasabad xariga looga jarayay Iskuul wax lagu bari dooono caruurta agoonta ah ee degmada Guriceel. Munaasabada ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Galmudug Maxamed Xaashi Dhoore gudoomiyaha maamulka degmada Guriceel Faarax Cabdi Macalin iyo Marti sharaf kale.
Warbixintan waxaa faah faahinaya: Liban Mohamed Abdi