Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiirka wasaaradda waxbarashada hiddaha iyi Tacliinta sare ee Galmudug Maxamed Xaashi Dhoorre oo waraysi siiyay Radio Daar-dheer ayaa waxaa uu ka hadlay muhiimadda ay bulshada u leedahay in la barto xirfadaha gacanta isaga oo xusay in wasaaraddu ay addo qorshooyin lagu horumarinayo barasada Farsamada Gacanta. Waxaa uu wasiirku kula taliyay bulshada in la barto xirfadaha muhiimka ah ee la jaanqaadaya suuqa.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya-Abdidahir Garad Ali.