Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Galmudug oo xariga uga jaray xarumo cusub.

0
7

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Galmudug Mudane Cabdullaahi Cabdi Raxmaan (Tootoole), ayaa xariga ka jaray xarumo cusub oo loogu talagalay kaydinta calafka xoolaha, kuwaas oo laga hirgeliyay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Mudug.

Xarumahan cusub ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo nolosha dadka xoola dhaqatada ah, iyadoo la doonayo in xilliyada abaarta iyo isbadalka cimilada ay helaan meel lagu kaydiyo calafka xoolaha, taas oo gacan ka geysan karta xakameynta dhimashada xoolaha iyo sare u qaadidda wax-soo-saarka xoolaha.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here