Wasiiro ka tirsan Galmudug oo korneeray dhismaha Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb

0
70

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Dhismaha garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee caasimadda Galmudug Dhuusamareeb  waxaa maanta kormeer ku tagay wasiirka gaadiid iyo duulista hawada dowladda Galmudug oo uu wehliyo wasiirka warfaafinta dowladda Galmudug.

Cabdinuur Macallin Maxamuud, Wasiirka gaadiidka iyo Duulista hawada Dowlad-goboleedka Galmudug iyo Wasiirka Warfaafinta Galmudug Cali Maxamud Faarax–AliSeeko ayaa u kuurgalay halka ay marayso dhismaha garoonka diyaaraha Ugaas Nuur.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdidahir Garad Ali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here