Waxbarashada deegaannada Miyiga ee Dhuusamareeb hoos yimaada oo korortay.

0
44

Dhuusamareeb(Idaacadda Daar-Dheer)Dhalinyardaan  is abaabushay ayaa sanadihii ugu dambeeyay ka shaqaynayay in waxbarashada la gaarsiiyo deegaannada fog ee miyiga si loo hirgeliyo arrintaasi waxa ay dhalinyaradan ka shaqeeyan wacyi-gelinta bulshada iyagoo kala hadla caqabadaha ay kamid yijhiin xaaladaha degaansho la’aanta ah iyo xasaradaha mararka qaarkood soo kordha ay qayb ka tahay dadka oo aan waxbaran.

Guddoomiyaha Ururka aqoon-yahanka Axmad Cabdullahi Axmad waxa uu hormuud u ahaa abaabulka dhalinyaradan waxa uu sheegay in ay iskood u billaabeen abaabulka waxbarashada lagu gaarsiinayo deegaannada miyiga.

Guddoomiyaha waxbarashada Dhuusamareeb Maxamud Axmad Cali oo ka qayb-galayay Barnaamijka Doodda Todobaadka ee Radio Daar-dheer ayaa sheegay in hormar fiican laga sameeyay Waxbareashada deegaannada Miyiga.

Dr Abdimalik Abdullahi SDhidane ayaa dhalinyara iyo wasaarddaba ku baraarujiyay in lasii xoojiyo horumarinta waxbarshada miyiga si bulshadu u helaan iftiinka aqoonta.

Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay waxaa deegaannada miyiga ee hoos yimaada Dhuusamareeb ka jiray Baraarug waxbarasho iyagoo qaarkood dugsiga dhexe u gudbayaan ardayda kawaxbaratay deegaanadaas.

Waxaa warbixintaan inoo soo jeedinaya:- Abdidahir Garad Ali.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here