Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wareegto kasoo baxday xafiiska gudoomiyaha Degmada Dhuusamareeb ahna Duqa Caasimadda Galmudug mudane Abdirahman Ali Mohamed “Geedaqorow”ayaa lagu magacaabay gudoonka cusub ee Xaafadda Dayax, oo kala ah gudoomiyaha, G/kuxigeenka Xoghaya Xaafadda Dayax.
Duqa Caasimadda ayaa faray gudi cusub ee xaafadda loo magacaabay in ay shaqada kala wareegaan gudigii hore, si hufana u gutaan wajaabidka shaqo ee loo idmaday bulshada xaafaddana si cadaalad ah ugu adeegaan.
Warkan waxaa akhrinaya: Abdidahir Garad Ali