Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa waxaa ka taagan xaalad adag oo dhanka adeegyada caafimaadka ah, gaar ahaan la’aanta dawooyinka lagama maarmaanka u ah daaweynta bukaannada. Isbitaalka ayaa muddooyinkii dambe la daalaa dhacayay xaalad dawo la’aan baahsan taasoo si toos ah u saameysay bukaannada u baahan daryeel caafimaad.
Gudoomiyaha Degmada Xudur ayaa kormeerey dhamaan qeybaha kala duwan ee isbitaalka uu ka koobanyahay isaga oo u kuurgalay baahiyaha ka jira isbitaalka waxaana uu la kulmey maamulka isbitaalka.
Warkan waxaa soo jeedinaysa: Sacdio Abdulkadir