Xabad Joojin Laga Gaaray Dagaal Beeleedkii Ka Socday Gobolka Mudug.

0
7

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Waxaa xabbad-joojin rasmi ah laga dhex dhigay beelo walaalo ah oo dhawaanahan ku dagaallamayay deegaanno ka tirsan gobolka Mudug. Dagaalladan ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo barakac, taasoo si weyn u saameysay nolosha dadka deegaanka.

Xabbad-joojinta ayaa timid kaddib dadaallo wadajir ah oo ay sameeyeen guddiga nabadeynta, odayaasha dhaqanka, culimada, iyo maamulka gobolka Mudug. Waxaa la sheegay in labada dhinac ay oggolaadeen in si nabad ah loo xalliyo khilaafka, una gudbaan wadahadallo rasmi ah oo lagu dhammeeyo tabashooyinka jira.

Abdifitah Mohamed Ahmed ayaa warkan soo jeedinaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here