Xal rasmiya oo laga gaaray Shaqaaqo Dhawaan ka dhacday degmada Caabudwaaq.

0
5

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Waxaa si rasmi ah xal nabadeed looga gaaray shaqaaqo hore uga dhacday afaafka hore ee saldhigga booliska degmada Caabudwaaq, taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac. Shaqaaqadan ayaa salka ku haysay muran dhuleed oo u dhexeeyay qaar kamid ah shacabka deegaanka iyo laamaha ammaanka, gaar ahaan booliska.

Culimada degmada Caabudwaaq ayaa si degdeg ah isugu xil saaray in ay xal u helaan arrinta, iyagoo u istaagay dhexdhexaadin iyo wacyigelin.

Waxay hoggaan u noqdeen wadahadallo xasaasi ah oo lagu raadinayay xasillooni iyo caddaalad.

Ugu dambeyntii, culumadu waxay ku guuleysteen in la gaaro heshiis buuxa oo ay oggolaadeen dhammaan dhinacyadii ku lug lahaa dhacdada.

Warkan waxaa soo jeedinaya:Abdullahi Abdulkadir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here