Xamaas oo sii deysay afar haween Israa’iiliyiin ah,halka Israel siidaysay 200 oo Falastiiniyiin ah

0
42

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Xamaas ayaa Sabtida maanta ah sii deysay afar haween ah oo ka tirsan ciidamada Israel, kuwaasi oo ay ku bedelatay ilaa 200 oo maxaabiis Falastiiniyiin ah, is-dhaafsigan oo qeyb ka ah heshiis xabbad-joojin ah oo la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka 15-ka bilood ka socday Gaza.

Afarta qof ayaa la geeyay fagaare ku yaal magaalada Gaza oo ay ku sugnaayeen dad badan oo Falastiiniyiin ah, waxaana hareeraha ka taagnaa tobanaan ka tirsan ciidamada Xamaas oo hubeysan.

Waxa ay gacan haadinayeen dadka iyagoo dhoola-cadeynayayay ka hor intii aan la kaxeynin, waxaana lagu qaaday gawaarida hay’adda ICRC oo u geeyay ciidamada Israel.

Askartan oo kala ah – Karina Ariev, Daniella Gilboa, Naama Levy iyo Liri Albag – ayaa dhamaantood ka howlgalayay aag ku yaalla agagaarka Gaza, waxaana afduubay dagaalyahannada Xamaas oo xoog ku qabsaday xaruntooda intii uu socday weerarkii Xamaas ay ku qaadday Israa’iil 7-dii October, sanadkii 2023-kii.

Askarta la sii daayay ayaa qoysaskooda dib ula midoobay wax yar ka dib, sida laga soo xigtay militariga, waxaana loo qaadi doonaa isbitaal ku yaal bartamaha Israel, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Israel.

Wax yar ka dib, waxaa la arkayay basas siday maxaabiis Falastiiniyiin ah oo laga soo daayay xabsiga Ofer ee milatariga ee Israel ee ku yaalla Daanta Galbeed ee dhulka la haysto. Waaxda xabsiga ee Israel ayaa sheegtay in 200 oo qof la sii daayay.

Dadka ay labada dhinac sii daayeen ayaa waxaa soo dhoweeyay dadweyne aad u faraxsan, oo ay ku jiraan Israa’iiliyiinta isugu soo baxay magaalada Tel Aviv iyo Falastiiniyiinta oo isugu soo baxay magaalada Ramallah.

Farxadda sii deynta haweenkan ka tirsanaa ciidamada ayaa waxaa barbar socday niyad jab ka dib markii haweeney rayid ah oo lala sii deyn lahaa afarta askari laga waayay liiska dadka ay Xamaas sii deyneyso.

Afhayeen u hadlay milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay tahay in la jebiyay xabbad joojinta, halka Xamaas ay sheegtay in ay tahay arrin farsamo.

Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Falastiiniyiinta Gaza aan loo oggolaan doonin in ay dib ugu soo laabtaan dhanka waqooyi ee Marinka illaa inta arrintan laga xallinayo.

Boqolaal kun oo Falastiiniyiin ah ayaa ka barakacay waqooyiga Gaza intii uu socday dagaalka.

Sarkaal Falastiini ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in dhexdhexaadiyeyaashu ay ka shaqeynayaan sidii loo xallin lahaa arrintan.

Falastiiniyiinta la sii daayay waxaa ka mid ah maleeshiyaad lagu xukumay xabsi daa’im.

Israel ayaa sheegtay in shakhsiyaadka lagu helay dilka Israa’iiliyiinta ee la sii daayay aan loo oggolaan doonin in ay guryahooda ku laabtaan. Ku dhawaad 70 ka mid ah ayaa loo musaafurin doonaa Masar, sida ay sheegeen saraakiisha Falastiiniyiinta, halkaasna waxaa looga sii musaafurin doonaa dalal kale, sida Turkiga, Qatar ama Algeria.

16 kale ayaa la geeyay Gaza, inta kalena waxaa lagu sii daayay Daanta Galbeed ee dhulka ay Israel haysato, halkaasi oo ay isugu soo baxeen dadweyne aad u faraxsan oo lulaya calanka Falastiiniyiinta oo ku sugnaa magaalada Ramallah si ay u soo dhaweeyaan.

Xabbad-joojinta ayaa ku baaqaysa in Xamaas ay sii deyso 33 haween, carruur, waayeel, dadka buka iyo kuwa qaba dhaawacyo muddo lix toddobaad ah oo uu socda wejiga koowaad, iyadoo Israel ay 30 maxbuus ku bedelanayso halkii qof ee rayid Israeli ah oo laga hayo, halka askarigana ay ku deyneyso ilaa iyo 50 maxbuus.

Is-weydaarsiga dhacaya Sabtida maanta ah ayaa ah kii labaad tan iyo markii ay bilaabatay xabad joojinta 19-kii Bishan Jannaayo islamarkaana Xamaas ay wareejisay saddex dumar ah oo Israa’iiliyiin rayid ah oo ay ku beddelatay 90 maxaabiis Falastiiniyiin ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here