Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Galmudug, Mudane Maxamed Maxamuud Cilmi,Guddoomiye Ku-xigeenka Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, Agaasimaha Waxbarashada Caasimadda, Isku-xirka Mashruuca GPE ee Wasaaradda Waxbarashada iyo xubno ka socaday Hay’adda Save The Children, ayaa dhagax-dhigay dhismayaal cusub oo lagu ballaarinayo labo dugsi oo ku yaalla deegaano Hoosyimqda Caasimadda galmudug ee Dhuusamareeb.
Dugsiyadaasi ayaa kala ah:
1: Dugsiga Hoose/Dhexe ee Seeraar, oo ku yaalla deegaanka Taagaabeeye
2: Dugsiga Hoose/Dhexe/Sare ee Xananleey, oo ku yaalla Deegaanka Xananleey
Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa qeyb ka ah qorshaha ballaaran ee Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Galmudug ee ku aaddan horumarinta adeegyada waxbarasho, gaar ahaan meelaha ay ka jiraan duruufo adag
Warkaan waxaa soo jeedinaya: Hamdi Dirie