Xarunta 3-aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Dayniile laga furay.

0
50

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mustaf Sheekh Cali Dhuulow, ayaa xariga ka jaray dhismaha Xarunta 3-aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Degmada Dayniile, Gobolka Banaadir.

Munaasabadda xarig-jarka waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaanno, Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Janaraal Cabdullaahi Gaafow, Guddoomiyaha Degmada Dayniile, Sheekh Cumar Maxamuud Mahadalle, iyo bulshada qeybaha kala duwan.

Warkaan waxaa soo jeedinaya: Abdifitah Mohamed Ahmed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here