Xav Hernandez oo magacaabay Xiddiga u qaaday horyaalka LaLiga

0
58

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Xavi Hernandez, ayaa magacaabay ciyaartoyga dhaliyey goolkii sababta u ahaa in ay ku guuleystaan horyaalka LaLiga xilli-ciyaareedkan, kaddib markii xalay lagu guddoonsiiyey garoonka Camp Nou.

Xavi Hernandez ayaa kooxdiisa lagaga badiyey 2-1 kulankii xalay ee Real Sociedad ay ku booqatay Camp Nou, laakiin usbuucii hore ayay sii xaqiijisteen in ay ku guuleysteen horyaalka LaLiga, waxbana kama ay beddeli karaynin natiijada Real Sociedad.

Robert Lewandowski oo ah ciyaartoyga goolasha ugu badan u dhaliyey Barcelona xilli ciyaareedkan, ayna u badan tahay in uu ku guuleysan doono abaal-marinta Pichichi ee gool-dhalinta horyaalka LaLiga, ayaa uu Xavi Herandez ka leexday goolashiisa mar la weydiiyey goolka uu rumaysan yahay in uu ahaa midka ka caawiyey kooxdiisa in ay horyaalka qaadaan.

“Aniga waxay ila tahay, in goolkii Kessie ee El Clasico uu naga caawiyey in aanu ku guuleysano horyaalka LaLiga.” Ayuu yidhi Xavi Hernandez oo xusay in goolkaasi iyo saddexdii dhibcood ee ay ka qaateen Real Madrid ay sabab u ahayd in lasoo qaban waayo.

Frenck Kessie oo inta badan kursiga kaydka ku jiray oo xulashada khadka dhexe ay uga horreeyeen Sergio Buquets, Pedri, Frenkie de Jong iyo Gavi ayaa dhaliyey goolkii kulankii El Clasico ay saddexda dhibcood kaga qaateen Madrid oo ay labadii jeerba garaaceen xilli ciyaareedkan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here