Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Ciyaaryahanka khadka dhexe ee xulka Netherlands, Xavi Simons, oo u ciyaara kooxda RB Leipzig, ayaa muujiyay diyaar u ahaanshihiisa ku biirista Chelsea, kaddib markii xiriir toos ah uu dhex maray wakiillada ciyaaryahanka iyo kooxda reer London.
Sida uu xaqiijiyay wariyaha caanka ah ee Fabrizio Romano oo qoraal soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee X (hore Twitter), wadahadallo rasmi ah ayaa la filayaa in ay bilaabmaan Talaadada, si looga heshiiyo shuruudaha shaqsiyadeed iyo fursadda ay labada kooxood u leeyihiin gaadhista heshiis buuxa.
Chelsea ayaa marka hore u baahan inay fasaxdo ciyaartoy si ay boos ugu hesho saxiixa Xavi Simons, iyadoo RB Leipzig ay dalbanayso qiyaastii €70 milyan si ay uga tanaasusho xiddigeeda.
Romano wuxuu sidoo kale sheegay in Arsenal ay weli xiisaynayso laacibkan 21-jirka ah, balse mudnaanta kooxda Mikel Arteta ay haatan tahay saxiixa weeraryahanka Viktor Gyökeres iyo sidii loo diyaarin lahaa bixitaanka ciyaartoyda kale.
Xavi Simons ayaa si weyn loo amaanay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, waxaana la filayaa in xagaagan uu ka mid noqdo magacyada waaweyn ee suuqa kala iibsiga.