Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Xeer ilaaliyaha Guud ee Galmudug oo shir jaraa;’id qabtay ayaa waxaa uu ka hadlay dilkii Dhuusamareeb habeen ka hor loogu gaystay labo ganacsade oo aan wali la’aqoonsan cidda cidda dishay.
Cabdicasiis Nuur Xuseen Xeer Ilaaliyaga guud ee maamulka Galmudug ayaa laamaha amniga gaar ahaan Booliiska faray in gacanta lagu soo dhigo ganacan ku dhiigalayaasii ka dambeeyay dilkaas.
Dhanka kale xeer ilaaliyaha ayaa waxa uu digniin udiray dad uu sheegay inay faafinayaan farriimo abuuri kara colaado iyo isku dhac bulsho isagoo xusay in sharciga ka horgayn doono dadka ka qayb qaadannaya farriimahan.
Makhribnimadii habeenkii arbacada ayaa bartamaha suuqa Dhuusamareeb waxaa lagu toogtay labo ganacsade oo kala ahaa Sheikh Xasan Diirshe Cadde iyo Saciid Tahaliil Maxameed. Arrintaas oo ay si wayn uga xumaadeen bulshada caasimadda isla markaana maallinimadii shay waxaa magaalada ka dhacay dibadbaxyo loogu baroor-diiqayo marxuumiinta. Halkaas oo masuuiyiintii kasoo qayb-galay ay ku baaqeen in la’iska kaashado sidii loosoo qaban lahaa ganac ku dhiiglayaashii falkaas gaystay.
Warkan waxaa faah faahinaya: Abdidahir Garad Ali