Xiddigaha Dhaawaca uga maqan Liverpool Iyo Waqtiga ay Soo laabanayaan.

0
49

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Xidiga Andy Robertson ayaa dib ugu soo laabtay tababarka buuxa ee kooxdiisa Liverpool ee isku diyaarinaysa ciyaarta lugta labaad ee semi-finalka Carabao Cup ee Caawa , waxaana lafilaa inuu kasoo muuqan doono garoomada oo uu muddo dhawr bilood ah kadib.

Xidiga Curtis Jones ayaa sidoo kale diyaar u aha ciyaarta ay kooxdiisa ,halka Trent Alexander-Arnold iyo Dominik Szoboszlai ay jidka kusoo jiraan oo la rajaynayo inay taam u noqon doonaan ciyaarta Norwich City ee FA Cup ee toddobaadka dambe.

Szoboszlai ayaa garoomada ka maqnaa tan iyo ciyaartii sannadka cusub ee ay 4-2 ku garaaceen Newcastle United, waxaana uu seegay kulamadii adkaa ee Arsenal, Fulham iyo Bournemouth.

Dhaawacyada Liverpool waxa sii xumeeyey Mohamed Salah oo isaguna dib uga soo laabtay Afrika, kuna sugan Liverpool kaddib markii uu ku dhaawacmay ciyaaraha qaramada Afrika ee ka socda Ivory Coast oo uu xulkiisu u gudbay wareegga labaad.

Halkan kaga bogo xiddigaha ka dhaawacan Liverpool iyo waqtiga ay soo laabanayaan”

  1. Mohamed Salah – Badhtamaha bisha February
  2. Curtis Jones – Ciyaarta Fulham ee lugta labaad ee semi-finalka Carabao Cup ee Arbacada January 24.
  3. Dominik Szoboszlai – Ciyaarta Norwich City ee Axadda, January 28
  4. Trent Alexander-Arnold – Ciyaarta Norwich City ee Axadda January 28
  5. Andy Robertson – Ciyaarta Fulham ee lugta labaad ee semi-finalka Carabao Cup ee Arbacada  January 24
  6. Kostas Tsimikas – Dhamaadka bishan January
  7. Thiago Alcantara – Bisha February
  8. Stefan Bajcetic – Bisha February
  9. Joel Matip – Lama garanayo
  10. Ben Doak – Lama garanayo

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here