Xidig kaligiis Ka Goolal Badan kooxda dhan ee Chelsea.

0
50

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Xiddiga Erling Haaland ayaa sii wada wacdarihii uu dhigayay horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Haaland ayaa 2 gool dhaliyay kulankii ay kooxdiisu garaacday kooxda Southampton kulan ka tirsnaaa premier League.

Kadib labadaas gool Haaland ayaa dhaliyay 30 gool horyaalka premier League kadib 26 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkan.

Si kasta ha ahaatee Haaland ayaa ka goolal badan kaligiis kooxda Chelsea horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Inkasta oo uu ciyaaray kulamo ka yar kuwa ay chelsea ciyaartay ilaa haatan xilli ciyaareedka Haaland ayaa hadana ka goolal badan chelsea.

Chelsea oo ciyaartay 30 kulan horyaalka premier League ayaa dhalisay 29 gool taas oo la macno ah in ay hal gool ka yar yihiin Xiddiga Haaland premier League xilli ciyaareedkan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here