Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Waxa shalay galab ciyaar adag dhexmartay xidigaha xaafadaha Dayax Iyo Waabari kulankan oo ah mid kamida ahaa kulamada ugu xiisaha badanaa tartanka koobka xaafadaha iyo deegaanada hoosyimaada Dhuusamareeb ayaa labada Xaafad ay siweyn ugu xifaltameen kuwaa oo midba kan kale doonayay inuu kataqa luso, ayaa waxaana afka ciida loodaray xidigaha xaafada Waabari oo natiijo la,aan kala rogmaday garoonka.
Natiijada kulanka Waabari-2 VS Dayax-5