Xiisadda u dhaxeysa Venezuela iyo Mareykanka oo cirka isku sii shareertay

0
6

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiirka Difaaca Venezuela, General Vladimir Padrino, ayaa Khamiistii sheegay in shan diyaaradood oo kuwa dagaalka ah lagu arkay meel u dhow xeebaha dalkaasi, taasoo uu ku tilmaamay halis Mareykanka ka imanaysa.

Waxa uu wasirku intaa ku daray in in xogta diyaaradaha lagu wargeliyay taawarka laga hago diyaaradaha. Joogitaanka diyaaradahan meel u dhow badda Kariibiyaanka ayuu ku tilmaamay arrin daandaansi ah, islamarkana khatar ku ah amniga qaranka.

Aqalka cad wali kama uusan hadlin hadalka ka so yeeray Venezuela. Maraykanka ayaa koox maraakiib dagaal ah u diray jasiiradaha Caribbean-ka, hawlgal ay Washington sheegtay inay kula dagaalamayso ka ganacsiga daroogada.

Mareykanka ayaa sidoo kale weeraray doomo dhowr ah oo uu sheegay in ay saarnaayeen daroogo laga keenay dalka Venezuela, waxaana la dilay dadkii la socday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here