Xildhibaano Ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo iska diwaan galiyay Dhuusamareeb.

0
9

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Magaalada Dhuusamareeb waxaa si habsami leh uga socota howlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha, iyadoo maanta oo ay tahay maalintii 14aad ee diiwaangelinta ay xarunta xaafadda Dayax iska diiwaangelisay Xildhibaanad Qaali Cali Cawaale oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanad Qaali oo kadib is-diiwaangelinteeda la hadashay warbaahinta ayaa Waxay sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay in markale dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka waaweyn, la siiyay fursad ay codkooda ku dhiibtaan, taasoo ka tarjumeysa dib u soo celinta kalsoonida iyo xuquuqda muwaadinka ee doorashooyinka.

Warkan waxaa faah faahinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here