Xoghayha ururka haweenka Dhuusamareeb oo hooyooyinka ugu baaqday inay waxbartan

0
44

Dhuusamareeb(Radio Daar-Dheer)-Xogyaha ururka haweenka caasimaha galmudug luul Xasan salaad oo ka qeyb galayse barnaamijka haweenka ee Radio Daar-dheer ayaa haweenka somaaliyeed gaar ahaan kuwooda hooyinka ah ee ku nool Magaalada dhuusamareeb kula dardaarantay in ay sare u qaadan aqoontooda si noloshooda iyo tan bulshada ay wax ugu qabtaan.
Sido kale waxa ay sheegtay in haweenka looga baahanyahay in ay qeyb ka noqdaan hormarada iyo tayada wax soo saarka bulshada. Magaalada Dhuusamareeb Inta badan waxaa ka jira haween ka shaqeeya arrimaha bulshada sida caafimaadka, ganacsiga, waxbarashada iyo kuwa kale oo badan kuwaas oo intooda badan isxilqaan ku shaqeeya.

Warbixintan waxaa soo jeedinaysa-Xamdi Diiriye Cali.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here