Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Xubno ka tirsan Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa dhawaan gaaray degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, si ay u kormeeraan hawlaha doorashooyinka iyo arrimaha la xiriira.
Safarkoodu wuxuu qeyb ka yahay socdaalka ay guddiga ku wadaan gobolka si ay u xaqiijiyaan in nidaamka doorashooyinka ee Soomaaliya uu u socdo si hufan oo waafaqsan shuruucda iyo habraacyada doorashooyinka.
Abdulahi Abdulkadir Nor ayaa faah faahinaya.