Xulka 17 jirada Soomaaliya oo gaaray final-ka tartanka isreeb reebka CECAFA

0
35

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Xulka kubbadda cagta 17 jirrada ee Soomaaliya ayaa natiijo ah Rigoorayaal (7-8) kaga adkaaday xulka 17 jirrada dalka Uganda, ciyaaraha Bariga iyo bartamaha Afrika.Labada xul ayaa kulankooda wuxuu kusoo dhamaday 1-1. Xulka Soomaaliya ayaa gool lagala hormaray waxay iskasoo gudeen intii lagu jiray qeybtii hore ee cayaarta. Kadib markii uu gool aad u qurux badan u dhaliyay cayaaryahan lagu magacaabo Cabdixafiid.Xulka Soomaaliya ayaa guushan uga dhigan inay u soo gudbeen Final-ka Isreebrebka 17-jirada bariga iyo bartamaha Africa. Soomaaliya haddii ay ku guulaysato tartankan waxay si rasmi ah uga qeyb gali doontaa tartanka 17 jirada ee CEFAFA oo 2023 ka dhacaya waddanka Aljeeriya.Xulka 17 jirada Soomaaliya ayaa final-ka la cyaaridoono Sout Sudan, waxayna haddii ay ku guulaystaan noqonaysaa markii ugu horraysay oo tartan nuucaan ah ay qaadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here