Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Xulka qaranka France ayaa iska xaadiriyay wareega Semi-final-ka koobka adduunka kadib markii ay garaaceen xulka England kulan isku dheeli tirnaa.
Xulka France ayaa ciyaarta ku bilowday si dar-dar waxana ay France kaga fiicnaayeen maamulista ciyaarta xilli xulka England adeegsanayay weeraro rogaal celis ah.
France ayaa doonayay in ay dhaliyaan gool wakhti hore ah oo ay ku qabanayaan hogaanka ciyaarta xilli France weeraro orod ah ciyaarayeen.
Daqiiqadii 17-aad ayuu xulka France hogaanka u qabteen ciyaarta kadib markii uu xiddiga Auellien Tchoumeni dhaliyay gool gantaal ah hogaankana u dhiibay xulkiisa.
Daqiiqadii 54-aad ayaa xulka England loo dhigay gool kadib markii ay daafacyada France khalad ku galeen xiddiga Bukayo Saka.
Kabtanka England ayaa dhaliyay goolka ciyaarta kana dhigay 1/1 uu xulkiisa England ugu soo laabtay ciyaarta.
Laakiin kubadii xigtay ayuu xulka France ka sameeyay fursad dahab ah waxana gool u badalay Olivier Giroud oo hogaanka u dhiibay xulkiisa mar kale ciyaartana ka dhigay 2/1.
England ayaan ka niyad jabin ciyaarta waxana ay sii wadeen dadaalada ay ku doonayeen in ay ku dhaliyaan goolka bar-baraha ciyaarta ku soo celinaya.
Daqiqiadii 81-aad ayay VAR rikoodhe u qabatay xulka England waxana u istaagay kabtanka xulka England ee Harry Kane laakiin waxa uu cirka geeyay kubada halkii uu shaaqa dhex-dhigi lahaa.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka France iska xaadiriyay Semi-final-ka koobka adduunka isla markaas Gurigoodii u diray xulka England.