Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Adduunka (World Youth Skills Day), taasoo si weyn diiradda u saareysa kor u qaadidda xirfadaha dhalinyarada iyo doorka ay ku leeyihiin horumarinta dhaqaalaha dalka.
Munaasabadda waxaa kasoo qeybgalay mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, hay’adaha caalamiga ah ee taageera horumarinta xirfadaha, jaamacado, xarumaha tababarka farsamada gacanta, iyo boqolaal dhalinyaro ah oo ka kala yimid qeybaha kala duwan ee caasimadda.
Warkan waxaa faah faahinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor