Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada Adduunka, oo si weyn looga xusay magaalada Muqdisho.
Munaasabaddan, oo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, ururrada dhallinyarada, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa diiradda lagu saaray doorka dhallinyaradu ku leeyihiin horumarinta dalka, nabadda iyo dib u dhiska bulshada.
Warkan waxaa soo jeedinaya:Abdullahi Abdulkadir Nor.